Home News BredaTV Arimaha Bulshada Ciyaaraha ila qosol Contact US
  • No categories
  • No categories
  • No categories

Arimaha Bulshada, Wararka

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo Madaxweyne Garguurte ku cadaadiyay inuu iscasilo

1 of 1 Mareykanka iyo Midowga Yurub oo Madaxweyne Garguurte ku cadaadiyay inuu iscasilo
10169 Views Date February 24th, 2014 time 3:47 am

BredaNews.com – Dowladaha Reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa Madaxweynaha Somalia u gudbiyaan fariin ay ku weydiisanayaan inuu iska casilo xilka si looga badbaado halista ka dhalan karta hogaankiisa jilicsan.

Ila wareedya xogtaan laga helay ayaa tibaaxay in Dowladaha reer Galbeedka bilahii la soo dhaafay cadaadis saarayeen Madaxweyne Garguurte hasse yeeshee ugu dambeyn ay qaateen go-aan kama dambeysa.

Madaxweyne Garguurte waxaa aroornimadii hore ee maanta {Isniin} looga yeeray Xerada Xalane oo lagu gudoonsiiyay fariinta la xiriirta inuu xilka iska casilo laakiin lama oga inuu aqbalay iyo inuu ka biyo diiday.

Diblomaasi ka tirsan Safaaradaha Midowga Yurub ee Somalia ayaa yiri “Waa lama huraan inuu Madaxweynaha si deg dega isu casilo,si baarlamaanka Somalia u doortaan hogaan cusub,anagana siyaasiyan waxaan ku yeelan doonaa galaangal diblomaasiyadeed doorkaan si aan talo uga dhiibano hogaamiye karti badan”

Lama oga Madaxweyne Garguurte inuu aqbali doono iscasilaada iyo cadaadiska Mareykanka iyo Midowga Yurub hasse yeeshee hadii uu ka biyo diido wuxuu wajahayaa xaalado adag oo siyaasadeed.

Waxaa suurtagala in Mareykanka iyo Midowga Yurub ku oogaan dacwad inuu taageero siiyay Al-Shabaab,inuu xukunkii dalka gacanta u geliyay urur diimeedka Damu Jadiid iyo inuu leeyahay masuuliyada dadkii lagu dilay Muqdisho mudadii uu xilka Madaxweynenimada hayay.

Si kastaba ha ahaatee,waxay wax walba kala cadaan doonaan todobaadkaan cusub dhamaadkiisa.



Source: Fubo

Contact US / NALA SOO XIRIIR