Home News BredaTV Arimaha Bulshada Ciyaaraha ila qosol Contact US
  • No categories
  • No categories
  • No categories

Arimaha Bulshada, ila qosol

KA NASO SIYAASADA, ILA-QOSOL. GOOS-GOOS

1 of 1 KA NASO SIYAASADA, ILA-QOSOL. GOOS-GOOS
843 Views Date March 10th, 2014 time 7:03 am

Waxaa diyaarad wada sarnaa Madaxweynayaasha
Mareykanka, Ruushka iyo Soomaaliya. Madaxweyna kasta wuxuu sheegay in uu joogo  waddankiisa markii aydiyaaradda dul mareysay.

Haddaba waxaa la weydiiyay sida ay ku
garteen. Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri :
Anigu waxaa gacanta ka bixiyey daaqadda
(Shubaakada)diyaarada
markaas ayaan taabtay
daarihii New York sidaa
ayaan ku gartay in aan
joogo Mareykanka .
Madaxweynihii Ruushka
ayaa isagana yiri:Anigu
markaan gacanta
daaqadda ka bixiyey
waxaan dareemay
qabowga Mosco sidaa
ayaan ku gartay in aan
joogo Ruushka,
Madaxweynihii Soomaaliya
ayaa isagana yiri: Anigu
markaan gacanta ka
bixiyey daaqadda waxaa
leyga furtay Saacaddii aaan
watay sidaa ayaan ku
gartay in aan joogo
waddankeyga Soomaaliya.
Attoruhu Hadduu Dhinto
Lacagtu Waa Celis!!!
Magaalada Gaalkacyo
maalintii intaad dhex
socotid waxaad
arkaysaa baabuur nooca
xaajiya khamsiinta loo
yaqaano
oo korka ka saaran
sameecado waaweyn iyo
makarafoon.
Nin la yiraahod Ilbir
ayaana ka dhex qaylinaya
makarafoonka isagoo ka
hadlaya ama xayeesiin ku
sameynaya filinka caawa
socda.
Filinka haduu yahay Hindi
Mr. Ilbir sidan ayuu u
xayeesiinayaa: “Waa filin
cusub waxaa idiin wada
gabadhii wajiga barta ku
lahayd iyo inankii dheeraa
ee tinta jilicsanaa. Filinka
wuxuu leeyahay Shan feer
iyo todoba hees yuusan ku
dhaafin. Ninkuu dhaafaa
waa eey eey dhalay
naagtuu dhaafaana waa
doofaardoofaar dhashay.
Atooruhu haduu dhintu
lacagtaadu waa celis!”.
Haduu yahay kuwa
jabaanka loo yaqaan: “Waa
filinkii
laga dabadhacay atirisho
kuma jirto. Atooruhu waa
bisada ceegada
ku dilay waana nin waalan
baabuurka iyo baaskiilka
iskusi ayuu uwadaa”
Haduu yahay kuwa loo
yaqaan Maraykanka: “Waa
filin cusub
xodxodashadu way ku yar
tahay kufsiga dhaca iyo
boobka ayaa ku badan.
ninkii laga waayaa caawa
filinkan waa eey eey
dhalay”.
Markaad shineemda
gashid halkii laws iyo
nacnac iyo wax la mid ah
lagu
dhex iibin lahaa laba nin
ayaa kusoo agmaraysa
nina baaldi ayuu caano
geel kuwadaa nina baaf
hilib nimankaas oo ku
dhawaaqaya cad iyo caano
cad iyo caano..
Marka la gaaro waqtiga uu
soo galayo BBC Laanta Af
Soomaaliga filinka waa la
joojinayaa , waxaana la
dhageeysanayaa
BBCda .Hadaad rabto bax
hadaad rabto joog waa
qasab in aad
dhageeysato !!!
Waan Ogaa In Aad Nacas
Tahay!!
Maalinbaa nin isagoo aad
u xanuunsan xaskiisa ku tir:
“Ninyohow intaadan
dhiman bal aan ku cafiyee
ii sheeg haddii
ay jiraan dambi aad iga
gashay?”. Ninkii baa
yir:”Hal mar oo keliya
ayaan
dembi kaa galay anigoo la
seexday saaxiibtaadi
waxeyna iga qaadatay $20
(labaatan dollar). Naagtii
ayaa aad u carootay oo
qeylisay iyadoo leh
“Waan ogaa in aad Nacas
tahay Sideed ku siisay
naagtaasi labaatanka
dollar sow ma ogid inaan
anigu ninkeedi lacag la’aan
kula seexdo?!!!
MR.HINTISHOOW
Waqti hore ayaa
Madaxweeynihii
Soomaaliya waxa uu
booqday shiinaha
kolkaasayuum waxa uu la
kulmay madaxwaynaha
shiinaha oo wiil u
dhashay.markaas ayaa
layidhi MR. madaxwayne
waa inaad u magac bixisaa
wiilka madax waynaha u
dhashay Maxaweeynihii
Soomaaliay talo ayaa ku
cadaatay isagoo yaaban
oo wax uu sameeyo garan
la’ ayuu hindhisay
HITISHOOOW!!!!!!
HITISHOOW markaasaa
ayaa lawada sacbiyay oo la
yir magac fiican ayaad u
bixisay wiilkan HITISHOOW
waa magac qurux badan!
sidaa ayaa wilkaasi loogu
bixiyey Mr.HITISHOOW.
Sheekadii Daanyeerka
Ninbaa waxuu tagay
carwada markaaso waxuu
arkay inti xeywaan aheed
meesha joogeen ayago
qoslahayaan ilaa hal
dameer moyee ,ninkii
maalinta ku xigtay
maalintaas ayuu carwadii
tagay waxu u arkay
dameerki qoslahaya
marka waxuu weydiyey
ninka carwada leh sidee ku
dhacday dameerka
maanta kaligiis ayuu
qoslahayaa shalayna wuu
aamusnaa markaa ninkiis
baa waxuu yiri shalay ayaa
daanyeerka sheeko qosol
ah sheegey maanta ayuu
fahmay dameerka)
Adeer Cadayga Qaar
dabada Iiga Jebi
Maalin baa gabar reer
xamar ah oday reer
waqooyi ah waxay ku tiri
adeer cadayga qaar
dabada iiga jebi markaasu
intuu yaabay oo geesaha
fiiriyay ku yiri naa deeh
hadaaan kaaga jebiyo sow
dabadu ku xanuuni
mayso !!!!!!!!
Ninkii jiifan waayay
Habeen baa nin jiifay
sariirtiisa, markii la gaaray
saqdi dhexe ayuu ku dul
fadhiistay sariirtii kadibna
halaaqyo iyo jimicsi
bilaabay. Naagtiisa oo
dhinac jiiftay ayaa ku
toostay oo tiri “maxaa
kugu dhacay?”
wuxuu yiri “Hurdo ayaa iga
soo dhici weyday”.
Waxey tiri ” Ma rabtaa sida
ugu dhaqsiyaha badan ee
hurdo kaaga soo dhici
karto?”.
wuxuu yiri “Haa”.
Waxey tiri ” istaag oo
jikada gal, kadibna caano
qaboojiyaha kala soo bax,
koob dheer ku shubo,
kadibna malabka aan
saakay soo iibiyey
qaanadda kore kala soo
bax, xoogaa yar ku darso,
qaado soo qaado oo ku
walaaq kadibna
mikoroolka geli oo wax
yar kululeyso, iyadoo
qandac ah cab, kadibna
koobka dhaq oo meeshiisa
ku celi, qaadadana dhaq
oo meesheeda geli,
malabkana meeshiisa ku
celi. Kadibna qaboojiyaha
gudihiisa soo nadiifi,
kadibna jikada soo nadiifi
kadibna……….”
Iyadoo warkii wado ayuu
soo booday oo yiri ” bes
bes bes……warka badan iga
dhaaf hurdo ayaa i haysee.
“anigu maxaad igu
diideen”
Shirkad dhismaha ah ayaa
u baahatay nin injineer ah,
dad badan ayaa codsi u
soo dirsaday. shirkadii
markii ay shaandheeysay
ayaa waxaa u soo haray
laba nin oo sharuudihii oo
dhan soo buuxiyey. Labada
injineer sidii loo kala saari
lahaa ayaa adkaatay maxaa
yeelay labadaba waa isku
qibrad, isku jaamacado
ayey ka soo baxeen,
shaqooyin isku mid ahna
wey soo wada qabteen,
kadibna shirkaddii waxey
go`aan ku gaartay in ay
imtixaan ka qaado. Qol
ayey geeyeen waxayna
hor dhigeen laba waraaqo
oo min tobon suaal ku
qoran tahay. Markii ay
imtixaankii ka soo
shaqeeyeen ayey maalintii
xigtay nin ka mid ah u
yeereen oo ku yiraahdeen
” waxaan go`aan ku
gaarnay in aan qaadano
ninka kale.
injineerkii ayaa yiri ” oo
anigu maxaad igu diideen”.
Shirkaddii ayaa tiri
“labadiinaba waxaad
aheydeen isku qibrad, isku
tacliin, imtixaankii aad
gasheena min sagaal suaal
ayaad saxdeen oo min hal
ayaad qaladeen, waxaan
qaadanay isaga.
Ninkii ayaa yiri “sidee
ayaad ku qaadateen
maadaama aan min hal
suaal qaladnay?”.
Shirkaddii ayaa tiri
“suaasha ugu danbeeyso
ee aad qaladeen isagu
wuxuu ku qoray (ANIGU
MA AQAAN) Laakiin adigu
waxaad ku qortay (XITAA
ANIGU MA AQAAN



Source: Fubo

Contact US / NALA SOO XIRIIR