Home News BredaTV Arimaha Bulshada Ciyaaraha ila qosol Contact US
  • No categories
  • No categories
  • No categories

Breda Tv, Wararka, Xulka wararka

Daawo Fanaanad hees laga xaday u soo kaxeeystay Jeesh Ciidana iyadoo lebisatay tuutaha dagaalka – heerka kulka qabyaalada Jibouti iyo anfariirka Raxme Rose

1 of 1 Daawo Fanaanad hees laga xaday u soo kaxeeystay Jeesh Ciidana iyadoo lebisatay tuutaha dagaalka – heerka kulka qabyaalada Jibouti iyo anfariirka Raxme Rose
11739 Views Date June 11th, 2014 time 3:50 am

Bredanews.com – Todobaadkaan waxaa dhacay sheekadii ugu yaabka badnaa taariikhda Somalida kadib markii Fanaanada Reer Jibouti Nimca Yaasiin oo hees ay hore u qaadi jirtay ay ka daba qaaday Fanaanada Raxma Rose ee ku nool cariga Mareykanka.

Fanaanada Nimca Yaasiin waxay soo lebisatay dharka tuutaha dagaalka,iyadoo hore u soo kaxeeysatay Jeesh dhan oo Fanaaniinta iyo Wariyeyaasha Jibouti ah  kuwaas oo lebistay dharka tuutaha dagaalka.

Sheekadaan yaabka badan waxaa hareer socda in Gabadhii Wareeysaneysay ee Wariyaha aheyd lafteeda soo lebisatay dharka tuutaha sidoo kalena loo lebisay Abwaankii sameeyay heesta Abwaan Cali Diiriye.

Inkastoo ay dhab tahay in heesta ay Orijinaalkeeda leedahay Fanaanada Nimca Yaasiin,uuna sameeyay Cali Gaab hadana waxaa anfariir ka dhigan in Fanaaniintii iyo Wariyeyaashii Jibouti oo dhan dharka tuutaha u soo xirteen Fanaanada Raxma Rose oo qabiil ahaan ka soo jeeda Madhibaan.

Raxma Rose waxay tiri ” Waa wareey aniga hees unbaan Copy u qaadaye waa maxay reerkaan duulaanka ee tuutaha ii soo xirtay,qoryahana ku raran”

Fanaanada Raxma Rose iminka waxay aad ugu baqeeysaa amaankeeda,waloow ay ku nooshahay dalka Mareykanka.

Heestaan isu bedeshay Jees Gaashandhiga waxaa la yiraahdaa Digtoor,waxayna noqotay heesta ugu daawashada badan Youtube iyadoo gaartay hal Milyan inkabadan booqashada.

 



Source: Fubo

Contact US / NALA SOO XIRIIR