Home News BredaTV Arimaha Bulshada Ciyaaraha ila qosol Contact US
  • No categories
  • No categories
  • No categories

Arimaha Bulshada, Breda Tv, Wararka, Xulka wararka

Daawo Xuseen Shire Ciyaar jecel oo sharafta ka qaaday Marfishle Cabdi Good oo si akhlaaq daran ugu gefay Abwaaniin uu ka mid yahay Yam Yam?

1 of 1 Daawo Xuseen Shire Ciyaar jecel oo sharafta ka qaaday Marfishle Cabdi Good oo si akhlaaq daran ugu gefay Abwaaniin uu ka mid yahay Yam Yam?
8850 Views Date August 6th, 2014 time 3:59 pm

Bredanews.com – Daawo Xuseen Shire Ciyaar jecel oo sharafta ka qaaday Marfishle Cabdi Good oo si akhlaaq daran ugu gefay Abwaaniin uu ka mid yahay Cabdiqaadir Xersi Yam Yam? Ilka jajaban oo balwad dilootay iyo Aayad Quraan?

Abwaan AlFanaan Xuseen Shire Ciyaarjecel ayaa si adag ugu jawaabay nin la sheegay inuu ahaan jiray Goolhayahii gobolka Togdheer hasse yeeshee muuqaalkiisa laga sawiran karo inuu yahay nin Saqraansan oo balwad dishay.

Xuseen Shire Ciyaarjecel wuxuu Cabdi Good ugu jawaabay si mutaxan oo geesinimo ka muuqatay ,wuxuuna ka yiri “Hadaad akhrisid Aayad kasta oo Quraan ah uma maleeynaayo in lagaa dhageysan doono”

cabdigood-Vs-Xuseenshire

Cabdi Good wuxuu si xun u aflagaadeeyay allaha u naxariistii Abwaan Cabduqadir Xersi yam yam ,wuxuuna ku tilmaamay JIIR HAAN KU WEEYNAADAY.

Cabdi Good oo todobaadkii hore ,Maalintii sabtiga si fool xun uga yooyootamay Somalichannel wuxuu doorbiday inuu xushay adeegsiga jumlado iyo Erayo maldahan hasse yeeshee dadkii daawanayay waxay isweydiiyeen “NINKA MA AFXABASHI BUU KU HADLAYAA MISE JAPAN”

Xuseen Shire oo ka jawaabay su-aalaha suuqa leeysku weydiinaayana wuxuu sheegay inuu adeegsaday erayo looga hadlo tuulada uu ku dhashay ee gobolka Togdheer.

Ninkaan lagu magacaabo Cabdi Good oo sharafta ka qaaday Somalichannel waxay dad la soo xiriiray Waagacusub ku taliyeen in ilko loo geliyo ,intaan Somalichannel u fasaxin inuu shaashadooda ka soo muuqdo.

Sikastaba ha ahaatee, Hadii Somalichannel ku adkeeysato inay ka aamusto aflagaadada iyo caayda uu telefishinka kaga tiraabo Cabdi Good,waxaa hubaala inuu telefishinka u burburi doono dartiis.



Source: Fubo

Contact US / NALA SOO XIRIIR