Home News BredaTV Arimaha Bulshada Ciyaaraha ila qosol Contact US
  • No categories
  • No categories
  • No categories

Arimaha Bulshada, Breda Tv, Wararka, Xulka wararka

Daawo Xafiiska Xeer ilaaliyaha oo ninka cusub xoog ku jabsaday “Nidaam Dowladnimo cusub”

1 of 1 Daawo Xafiiska Xeer ilaaliyaha oo ninka cusub xoog ku jabsaday “Nidaam Dowladnimo cusub”
1658 Views Date August 7th, 2014 time 1:50 pm

Bredanews.com- Arrin yaab iyo argagax badan ayey dadka Muqdisho ka sheekeeynayaan kadib markii ninka Golaha Wasiirada Somalia u magacaabeen Xeer ilaaliyaha cusub ee Somalia uu xoog ku jebiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha sharciga ee Somalia .

Ninkaan isku magacabaay Xeer Ilaaliyaha cusub ayaa Xafiiska kula wareegay awood Ciidan,taas oo ka dhigan hab nidaam cusub oo Dowladda Somalia shaaca uga qaaday inay nidaamka doowliga iyo sharciga ku bedeshay qaab jabhadeyn ah.

Ninkaan lagu magacaabo Axmed Dahir wuxuu ahaa Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Federalka Itoobiya Xafiiska Jigjiga,wuxuuna heeystaa awood dheeriya sida muuqata.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somalia Caydiid Ilka xanaf ayaa sharci daro ku tilmaamay in Ahmed Dahir jabsado xafiiska xeer ilaaliyaha Somalia.

Caydiid Ilka xanaf wuxuu sheegay inuu Xeer ilaaliyaha sharciga yahay Mr Abdulkadir oo isagana qaadacay inuu xilka wareejin sameeyo.

Nidaamka Dowladnimada waxaa lagu yaqiin in masuuliyiinta xilka iyo xafiiska kula kala wareegaan hab sharciya hasse yeeshee waxaa taas bedelay in xafiisyada la jabsado.

Tani waxay sawir fool xun ka bixisay halka lagu wado Dowladnimadda Somalia.



Source: Fubo

Contact US / NALA SOO XIRIIR