Home News BredaTV Arimaha Bulshada Ciyaaraha ila qosol Contact US
  • No categories
  • No categories
  • No categories

Arimaha Bulshada, Breda Tv, Somali Video, Wararka, Xulka wararka

DAAWO: Prof, Jawaari oo muuqaal sir ah laga duubay isaga oo weeraray Puntland

1 of 1 DAAWO: Prof, Jawaari oo muuqaal sir ah laga duubay isaga oo weeraray Puntland
9083 Views Date September 13th, 2014 time 8:51 am

Maxamed Cismaan Jawaari, oo ah afhayeenka Baarlamana Soomaaliya ayaa waxaa laga duubaqy muuqaal Video ah, isaga oo magaalada Baydhabab si gaar ah ugula hadlaya beeshiisa.

Waxa uu muuqaalka ugu baaqayaa beeshiisa, inay isku duubato, si looga gudbo dhibaatada lagu hayo dadkooda, gaar ahaan kuwaada ku sugan deegaanada Puntland, oo uu sheegay in xarig lala daba joogo, hantidoodana la boobayo..
Halkaan ka daawo

Jawaari oo ay ka muuqato carro ayaa waxaa uu dadkiisa ku dhaliilay inay dhexdooda isku mashquulsan yihiin islamarkaana aysan laheyn wax midow ah, laakiin waxaa uu sheegay in xilligan la joogo waqtigii ay wada jir noqon lahaayee.
“Hurdada kakaca, oo iska daaya reer hebal iyo reer hebalka aad isku heysatiin. Reer Buur iyo reer Baydhabo iska dhaafa markii aad halkan ka tagtaan, oo midooba” ayuu yiri Jawaari.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Puntland ay dhibaato xoogan ku heyso shacabka iyo ganacsatada kasoo jeeda beeshiisa, isagoona sheegay in isla maanta ay dadka ganacsatada ah ee kasoo jeeda reerkaasi ay Puntland kula kacday xarig, taasi oo uu aad uga muujiyey caro xoogan, uuna sheegay in teleefon lagu soo war-geliyey..
Capture



Source: Fubo

Contact US / NALA SOO XIRIIR