Home News BredaTV Arimaha Bulshada Ciyaaraha ila qosol Contact US
  • No categories
  • No categories
  • No categories

Breda Tv, Wararka, Xulka wararka

Daawo Wasiir Khaliif Ereg iyo Taliye Tuuryare oo dib u bilaabay ka ganacsiga dhalinta Muqdisho

1 of 1 Daawo Wasiir Khaliif Ereg iyo Taliye Tuuryare oo dib u bilaabay ka ganacsiga dhalinta Muqdisho
3580 Views Date November 6th, 2014 time 12:08 am

Bredanews.com – Wasiirka Amniga Muqdisho Khaliif Ereg iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa dib boorka uga jafay tacadiyadoodii ka ganacsiga dhalinyarta Muqdisho ee baagamuundada dilootay.

Ciidanka Nabadsugida Muqdisho ayaa lagu fasaxay guryaha ,waxayna xaafadaha ka bililiqeesteen wixii ay agab ka heleen sida lacag,telefoono iyo Dahab.

Sedex ka mida argagixisada Al-Shabaab iyo sodomeeyo Ciyaalka xaafada iyo xoogsato ayey Ciidanka Nabadsugida Xabsiga u taxaabeen,iyagoo sidoo kalena qabtay laba ka mida kuwa daroogada xashiiska iyo khamriga calaqa iibiya.

Dhalinyarada aan Al-Shabaabka aheyn ee Godka Jilicow lagu xiray ayaa waalidiintooda la weydiistay madax furasho dhan sedex kun oo dollar sideey Waagacusub u sheegtay Hooyo lagu magacaabo Maryan Cariif oo wiilkeeda laga kaxeeystay guriga.

“Dhalinyaradii Wardhiigleey laga kaxeeystay kuwii qabiilka xoogan ka dhashay waa laga soo daayay caawa laakiin dhalintii looma ooyaanka aheyd waxaa sii deyntooda lagu xiray sedex kun oo dollar,waxaana na weydiistay Saraakiil ka socota Hay’ada Nabadsugida iyo Wasaaradda Amniga” ayey tiri Maryan Cariif oo dhashay 23 jir ku xiran Xabsiga Jilicoow laguna magacaabo Shaafici Nuur.

Telefishinka Somalia wuxuu baahiyay dhalinyarada oo iyagoo qaawan derbi madaxa loo saaray taas oo dimbi weyna maadama aysan Maxkamad xukumin.

Qofka Muwaadinka Soomaaliyeed ah wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xoriyad iyo ixtiraam laakiin isagoo aan dimbi cad lagu heyn in derbiyada madaxa loo saaro waa qalad weyn oo laga galay xaquuqda Muwaadinka iyo hanaanka Dowliga.



Source: Fubo

Contact US / NALA SOO XIRIIR