Home News BredaTV Arimaha Bulshada Ciyaaraha ila qosol Contact US
  • No categories
  • No categories
  • No categories

Arimaha Bulshada, Breda Tv, Wararka, Xulka wararka

Daawo Fanaan hees ku bahdilay Xaaska Muusikeeste Karaama- dagaalka muxuu ka dhashay?

1 of 1 Daawo Fanaan hees ku bahdilay Xaaska Muusikeeste Karaama- dagaalka muxuu ka dhashay?
9135 Views Date November 7th, 2014 time 5:48 pm

Bredanews.com – Fanaan lagu magacaabo Cabdiraxman Yugrayn oo ku nool Magaalada London ayaa soo saaray hees uu ku garbaashay Naag uu qabo Mohamed Karaama oo lagu magacaabo Fawziya Fanka ama Fawziya Jeyte.

Fawziya Jeyte oo lagu tilmaamo qof dhaqan xun ,si xuna u isticmaasha balwada Daroogada gaar ahaan Khamriga waxay jeceshahay iney heesto laakiin sifo walba malaha heeybad faneed  ,xaga codka iyo la dhaqanka bulshada.

Fanaankaan heesta soo qaaday ayaa la sheegay inuu kula kaftamay Mohamed Karaama “Waxaan kaa rabaa inaad i siisid gabadhaada” laakiin Fawziya ayaa hadalkaas uga jawaabtay waxaad tahay Madhibaan.

Inkastoo aysan caay aheyn Madhibaan iyo Midgaan oo ay yihiin kuwa dadka Soomaaliyeed ugu sharafta badan hadana Fawziya lafteeda ayey iska dhaleen Jareerweyne iyo Madhibaan.

Arrimaha yaabka badan waxay tahay in heesta lagu garbaashay Fawziya Fanka uu tumay wiil uu dhalay Mohamed Karaama oo lagu magacaabo Qaasim  Mohamed Karaama.

Fanaanka Cabdiraxman Yugrayn oo loo bixiyay Teembo ka bood lama socoyo Teembada ,waxaana lagu tilmaami karaa Fanaan teembada lafteeda dagaal kula jira .

wuxuu Cabdiraxman Yugreyn ugu heesay Fawziya:-

Meeleey Biyo Fariistaan

Faanta lo-aadna ay taal

Rahu waa ka faanaa

Ana Dumarka tii fudud

Marar badan la soo furay

Footka iyo Biirkuba

Ana waa ka faanaa

Fanaanad uma qalantide

Fawziyeey walaaleey

Ana  heeygu fududaan

Fankana ha ceebeen.

Sikastaba ha ahaatee, Cabdiraxman Yugreyn inkastuu teembo ka bood yahay hadana waa shaqsi kalsooni weyn ka muuqato,wuxuuna sameeyay erayo cajiiba oo lagu fariisiyay god laga tiriyo Suugaan mug weyn ,tusaalena waxaa noogu filan halka uu ka xushay ararta heesta ee Meeleey Biyo Fariistaan,Faanta Lo-aadna ay taal,Rahu waa kaa faanaa,ana dumarka tii fudud,marar badan la soo furay,footka iyo beerkana daqiiqad fuuqsaneysaa,ana waa ka faanaa kkkkkkkkkkkkkk

Caweeysin wanaagsan iyo Cabdiraxman Yugreyn kkkkkkkkkkkkkk

 



Source: Fubo

Contact US / NALA SOO XIRIIR