Home News BredaTV Arimaha Bulshada Ciyaaraha ila qosol Contact US
  • No categories
  • No categories
  • No categories

Arimaha Bulshada, Sheeko, Wararka, Xulka wararka

Topnews:-Wiil uu dhalay Ganacsade Xaaf oo falkii ugu xumaa ku sameeyay Gabadh Maskiina +Sawiro?

1 of 1 Topnews:-Wiil uu dhalay Ganacsade Xaaf oo falkii ugu xumaa ku sameeyay Gabadh Maskiina +Sawiro?
7923 Views Date November 17th, 2014 time 3:19 am

Bredanews.com – Wiil uu dhalay Ganacsade Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa falkii ugu xumaa ku sameeyay Gabar u dhalatay Beesha Sheekhaal oo lagu magacaabo Miski Xaaji Cumar.

Qisadaan xanuunka badan oo mudo dheer aan ku daba jirnay waxay ku bilaabaneysaa sidaan:

Geelle Xaaf oo maamula Hotel Zamiira Muqdisho ayey isbarteen Miski Xaaji Cumar oo nin qabay.

Miski Xaaji Cumar oo ah gabadh qurux badan wuxuu Geelle Xaaf ka dhameeyay iney iska furto ninkii qabay .

Miski oo ku indha daraandartay Guriga iyo Gaariga quruxda badan ee Geelle Xaaf waxay iska furtay ninkii qabay oo ay labo Caruura u dhashay sida uu Saxaafadda u sheegay ninkaas xaaskiisii laga furtay.

https://www.facebook.com/miski.ahmed.37?fref=ts

miski-ahmed

Geelle Xaaf waa fuliyay ballantii uu la galay Miski Xaaji Cumar ,wuxuuna geeyay Nairobi isagoo u sii tahriibiyay Dalka Ingiriiska oo ay si nabada iskaga dhiibtay.

Miski Xaaji waxaa   la dejiyey Guri Geelle Xaaf hooyadiis ku qoran tahay oo ku yaala xafadan Neasden ee Magaaladda London.

Nasiibdaro Miski Xaaji Cumar oo aan wax mehera la marsiin uur ayey u yeelatay Geelle Xaaf oo ay ku dooday inuu saaxiibnimo kula galmooday.

Miski-Geelle

Geelle Xaaf ayaa safar dhuumasho ah ku yimid UK inta aysan Saaxiibtiis Miski Xaaji dhalin 10 maalmood ka hor  hasse yeeshee waxay ugu dambeyn dhashay wiil.

Miski waxay murugo iyo xanuun la ehel noqotay markii Geelle Xaaf ku yiri  aniga cunugan aan maharkeeyga ku dhalan ma qaadanayo ee guriga iiga guur.

Miski oo gabdhaha saaxiibadeeda u sheekeeysay waxay tiri “ Wuxuu igu handaday Geelle Xaaf inaan nin kale la raaxeestay sidaas darteedna hadii aan dhaho Gelle ayaa iga dhalay uu i dili doono” hasse yeeshee Miski Xaaji  arinkaas waa u cuntami waayey waxayna ku tiri “Police ayan wacayaa waxaan leeyahay DNA halaga qaado ninkan cunugan calosheyda ku jira isaga ayaa leh”

Sidaas markey tiri wuu baqay lakin isaga oo laba dhinac ka gubanaya, xagii waalidkiisna ka baqaya, xaga police kana ka baqaya ayuu ku yiri “aniga cunugaan sinaba uma qaadan karo lakin  nin Istaaf ii ahan jirey Xamar oo UK jooga ayaan   lacag  siinayaa si uu ceebteena u asturo,iskugana qoro wiilka inuu aabahiis yahay”

Miski oo ku jirtay xaalad  neef goowracan geeda kama waabto  waxay aqbashay in canugeedii nin aan aabe u ahayn aabe ahan loogu qoro, loona siiyo.

Ninka uu Geelle Xaaf ku qoray wiilka uu inkiray waxaa lagu magacaabaa Ismaaciil Sheekh Xasan,wuxuuna dalka UK tegay qiyaastii 2006.

Miski Walaasheed oo lagu magacaabo Nuxur kuna nool Uk ayaa sheegtay in  Geelle Xaaf uu gurigii ka saaraa Miski Xaaji Cumar taas oo ka dhigan heshiis ka bax iyo xadgudub labaad.

“Geelle Xaaf Hooyadiis Xakiima waxay jirtaa Muqdisho,markii waraaqaha soo dhacaan waxaa la geeyaa Naag kale”sidaasi waxaa tiri Haweeneey la derisa oo xaalada aad ula socota .

Guriga ku yaal Brent Cores Neasden London  oo ka kooban laba qol iyo fadhi waxaa lagu siiyaa lacagta Ceyrta,wuxuu lacag ku qaataa ilmo iyo hooyadiis oo aan joogin Uk.

Kiiskaan halista badan hadii Boliiska Ogadaan waxey Geelle Xaaf iyo hooyadiisba wajahi doonaan Ganaax lacageed iyo Xabsi dheer maadama ay lacag tuuganimo iyo sharcidaro Dowlada ka qaadanayaan, isagana uu sameeyay waxa loo yaqaan Blackmailing ama Sexual Abuse.

Lix bilood ka hor wuxuu Geelle Xaaf Muqdisho ku uureeyay gabadh Fanaanada oo la qabay laakiin amaankeeda darteed waxaan ka gaabsanay inaan magaceeda sheegno ama qisada faahfaahino.

Sikastaba ha ahaatee Geelle Xaaf waa wiil aad looga baqo,maxaa yeelay isaga iyo Aabahiis waxay leeyihiin Mooryaan khaarijisa cidkasta oo wax ka sheegta

geele axmed ducaale



Source: Fubo

Contact US / NALA SOO XIRIIR